Wasaaradda Warfaafinta Federalka Soomaaliya oo Sheegtay in ay Xirtay 82,000 Bog Baraha Bulshada ah Argagixiso Lala Xiriiriyey.

0
30

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sanadkan 2026 ay xirtay 82,000 bog oo baraha bulshada ah oo uu sheegay in kooxaha argagixisadu u adeegsanayeen faafinta fikradahooda.

Ducaale oo ka hadlayay dood ku saabsan isku-xirka la-dagaallanka kooxaha hubeysan iyo yareynta khataraha musiibooyinka ka jira deegaanada xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda ay xoogga saarayso dagaalka dhinaca fikirka iyo wacyigelinta bulshada.

Wuxuu sheegay in la-dagaallanka kooxaha hubeysan uu leeyahay saddex dhinac oo waaweyn: milatari, dhaqaale iyo mid fikir/ideoloji ah, isagoo xusay in dagaalka fikirku uu saameyn ku yeelan karo dad aad u tiro badan.

Agaasimaha ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafintu ay sanadihii lasoo dhaafay xirtay kumannaan bog oo ay ku jireen Facebook, TikTok iyo Telegram.

Ducaale ayaa sheegay in tirooyinka sanadkan ay yihiin kuwo weli sii kordhaya maadaama 2026 uusan dhammaan, isagoo intaas ku daray in kooxahaasi ay mararka qaar dib uga soo muuqdaan baraha bulshada iyagoo adeegsanaya magacyo iyo bogag cusub.

Wuxuu sheegay in Wasaaradda Warfaafintu ay sidoo kale adeegsanayso warbaahinta qaranka, fannaaniinta, barnaamijyada telefishinka iyo culimada Soomaaliyeed si bulshada looga wacyigeliyo fikradaha xagjirka ah.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in warbaahinta qaranku ay gaarto malaayiin qof oo ku nool gudaha iyo dibadda Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay dowladda ka caawineyso dadaallada ka dhanka ah faafitaanka fikradaha xagjirka ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda Tubsan ay iska kaashadaan wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhinaca diinta, iyadoo culimo lagu soo darayo dadaallada looga hortagayo fasiraadaha diimeed ee khaldan ee lagu marin habaabinayo dhalinyarada.

Ducaale ayaa sheegay in dowladda ay sii wadi doonto xiritaanka bogagga lagu faafiyo fikradaha xagjirka ah, wacyigelinta bulshada iyo soo bandhigista howlaha ciidamada, isagoo tilmaamay in dadaalladaasi la sii xoojin doono.