Qaabka Loo Maamulo Hay’adaha Amniga Gudaha oo Dawladda Federalka Soomaaliya Dib u Habeyn ku Sameyneyso.

0
154

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa dib-u-habeyn lagu sameeyo qaabka loo maamulo hay’adaha amniga gudaha, iyadoo xoogga la saarayo isla xisaabtanka, isku-dubaridka hay’adaha iyo sidii loo dhisi lahaa nidaam amni oo dhaqaale ahaan waara.

Arrintan ayaa kamid ah qodobada ugu waaweyn ee looga hadlay Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ee ka dhacay Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha amniga, Baarlamaanka iyo la-hawlgalayaal caalami ah.

Doodaha shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa kormeerka iyo isla xisaabtanka hay’adaha amniga, oo ay kamid yihiin Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Waxaa sidoo kale laga hadlay sida loo caddeyn karo xiriirka iyo waajibaadka hay’adaha kala duwan, iyadoo la doonayo in la helo nidaam si wanaagsan u kala qeexaya cidda leh awoodda kormeerka iyo cidda mas’uulka ka ah fulinta hawlgallada amniga.

Waxaa kale oo looga hadlay isku-dubaridka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo la isku dayayo in la mideeyo qorshayaasha amniga, lana yareeyo farqiga u dhexeeya hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa kulamo gaar ah arrintan kala yeeshay wasiirrada amniga ee dowlad-goboleedyada, marka laga reebo Puntland iyo Jubbaland oo uusan xiriir kala dhaxayn Dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka hadlay baahida loo qabo wadaagista xogta iyo sirdoonka, iyo in hay’adaha amniga ay yeeshaan hannaan mideysan oo ay kaga jawaabaan caqabadaha amni ee dalka.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay maalgelinta amniga, iyadoo dowladda ay dooneyso in la dhiso waax amni oo awood u leh inay si joogto ah u shaqeyso, isla markaana hoos loo dhigo ku tiirsanaanta deeqaha dibadda.

Qorshahan ayay dowladdu sheegtay inuu muhiimad gaar ah leeyahay iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad ay si tartiib ah ula wareegeyso mas’uuliyadda amniga, xilli howlgalka AUSSOM la filayo inuu soo afjarmo dhammaadka 2026.

Wasaaradda amniga ayaa sheegtay go’aannada iyo talooyinka lagu gaaray shirka in loo beddelayo qorshayaal la fulin karo, kuwaas oo lagu cabbiri karo horumarka hay’adaha amniga, kharashaadka, isla xisaabtanka iyo wada shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.