Hoggaamiyaha Puntland Saciid Dani oo Dawladda Federalku ku eedeysay in uu Dhiiri gelinayo Madax furashada Burcad Badeeda.

0
121

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni inuu hadalladiisa iyo mowqifkiisa ku dhiirrigelinayo burcad-badeedda inay madax-furasho ka dalbadaan maraakiibta ay afduubtaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in warqad uu soo saaray maamulka Puntland ay ku jirto difaac uu ku tilmaamay mid lagu taageerayo burcad-badeedda iyo bixinta lacagaha madax-furashada.

Fiqi ayaa sheegay in tallaabadaas ay fariin khaldan u dirayso kooxaha haysta maraakiibta, taas oo uu sheegay inay ku dhiirrigelin karto inay sii wadaan afduubka iyo dalbashada lacagaha madax-furashada.

“Lacag kasta oo la siiyo burcad-badeedda waxay sii maalgelinaysaa fal-dambiyeedkaas, waxayna ku dhiirrigelinaysaa inay maraakiib kale qabsadaan,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowladaha ay maraakiibtoodu ku xayiran yihiin xeebaha Soomaaliya in aysan bixin lacag madax-furasho ah, isaga oo sheegay in lacagahaasi ay maalgelinayaan falalka burcad-badeednimada isla markaana ay kooxaha ku dhiirrigelinayaan inay maraakiib kale qabsadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in la helo xal loogu sameeyo maraakiibta iyo doomaha ay burcad-badeeddu gacanta ku hayaan, balse uu ku adkeystay in aan kooxaha la siin lacag ay ku sii wataan howlahooda.

Dhanka kale, Fiqi ayaa Madaxweynaha Puntland ugu baaqay inuu kaalin muuqata ka qaato la dagaallanka burcad-badeednimada, isagoo xusay in Puntland ay leedahay ciidamo badeed iyo ciidamo ku sugan xeebaha oo muddo dheer taageero ka helayay beesha caalamka.

Wuxuu sheegay in kooxaha burcad-badeedda ah laga daba tago dhulka iyo xeebaha, maaddaama dadka ku lugta leh falalkaasi la aqoonsan yahay, qaarkoodna ay ku nool yihiin magaalooyinka iyo deegaannada Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii la sii daayay markab lagu magacaabo LATUF oo la sheegay inuu qalab u siday xarunta Turkisom. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay si xoog ah u soo furatay markabkaas, halka maamulka Puntland uu sheegay in madax furasho la siiyay burcad badeeddii haysatay.