Dib U Dhaca Ciidamada Dalka Masar Soomaaliya Imaan Lahaa oo Dawladda Soomaaliya Sharaxaad ka Bixisay.

0
3

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in dib-u-dhaca ku yimid ciidamada Masar ee la filayay in ay qayb ka noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya aanu ka dhalan rabitaan la’aan siyaasadeed ama diyaar-garow la’aan dhinaca Masar ah.

Cali Balcad oo wareysi siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Masar ay si cad u muujisay diyaar-garowgeeda ku aaddan in ciidamadeeda loo diro Soomaaliya, isagoo xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday ciidamada Masar, isla markaana uu indha-indheeyay heerka diyaar-garowgooda.

Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in caqabadda jirta ay tahay in ciidanka Masar loo daabulo Soomaaliya iyadoo la raacayo nidaamka iyo qaab-dhismeedka ay si wadajir ah u ansixiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, taas oo uu sheegay inay muhiim u tahay howlgalka.

Waxa uu tilmaamay in arrintan ay ku jiraan jadwalka wareejinta iyo is-beddelka ciidamada, diyaarinta saadka iyo gaadiidka, shuruudaha hawlgalka iyo arrimo kale oo farsamo oo la xidhiidha howlgalka.

Cali Balcad ayaa sidoo kale xusay in arrimaha dhaqaalaha ay qayb ka yihiin caqabadaha horyaalla howlgalka, gaar ahaan sidii loo heli lahaa maalgelin waarta oo loogu talagalay Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

“Arrintu ma aha ballanqaad siyaasadeed oo Masar ka maqan ama diyaar-garow la’aan Masri ah,” ayuu yidhi wasiiru-dawluhu, isagoo ku adkeystay in labada dhinac ay diyaar u yihiin in ciidamadu qayb ka noqdaan howlgalka.

Ugu dambayn, Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in dhammaan qorshayaasha iyo habraacyada lagama maarmaanka u ah daabulidda ciidamada Masar la soo dhammaystiro sida ugu dhaqsaha badan, si ay ciidamadu uga qayb qaataan dadaallada amniga iyo xasilinta Soomaaliya.