Dawladaha Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojinaya Iskaashiga Amniga Sida uu Sheegay Ra’iisal Wasaare Xamze Cabdi Barre.

0
5

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Qatar ay xoojinayaan iskaashigooda amni iyo difaac, isagoo tilmaamay in heshiiska iskaashiga difaaca ee labada dal uu gacan ka geysanayo dhismaha hay’ado amni iyo ciidan Soomaaliyeed oo xooggan oo xirfad leh.

Xamsa Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Al Sharq ee Qatar ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Qatar uu galay marxalad cusub oo ku dhisan iskaashi istiraatiiji ah, kaas oo ay ku jiraan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, maalgashiga, amniga iyo difaaca.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso iskaashi muddo dheer ah oo ay la yeelato Qatar iyo dalalka Khaliijka, kaas oo aan ku koobnaan oo keliya maaraynta dhibaatooyinka, balse diiradda lagu saaro maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, dekedaha, amniga cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Xamsa Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyay in madax-bannaanida, midnimada iyo dhul-wadaagga Soomaaliya aysan ahayn arrimo laga gorgortami karo, isagoo sheegay in dowladda federaalku ay diiddan tahay tallaabo kasta oo lagu waxyeelleynayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xaaladda Somaliland, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli aaminsan tahay in khilaafaadka gudaha lagu xallin karo wada-hadal ay yeeshaan dhinacyada Soomaaliyeed, Wuxuu sidoo kale ka digay faragelinta dibadda iyo isku day kasta oo lagu doonayo in Soomaaliya loogu sameeyo xaqiiqo siyaasadeed oo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mar kale caddeeyay mowqifka Muqdisho ee ku aaddan qorshe kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiin loogu soo raro Soomaaliya, Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan noqon doonin dal kale oo Falastiiniyiinta lagu dejiyo, isla markaana aysan qayb ka noqon doonin qorshe lagu barakicinayo shacabka Falastiin ama lagu wiiqayo qaddiyaddooda.

Xamsa ayaa sheegay in shacabka Falastiin ay xaq u leeyihiin inay dalkooda ku noolaadaan xorriyad iyo sharaf.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ka hadlay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isagoo walaac ka muujiyay xiisadaha gobolka iyo saameynta ay ku yeelan karaan maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah, Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay dejinta xiisadaha, wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed, isagoo xusay in amniga marinnada badda uu muhiim u yahay Soomaaliya maadaama ay leedahay xeeb istiraatiiji ah oo ku taalla mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan dunida.

Wuxuu sidoo kale ammaanay doorka Qatar ee dadaallada lagu yareynayo xiisadaha iyo dhiirrigelinta xalalka diblomaasiyadeed.

Markii wax laga weydiiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Xamsa Cabdi Barre wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay afartii sano ee lasoo dhaafay sheegtay inay dib uga qabsatay kooxda dhul ballaaran, isla markaana ay burburisay saldhigyo iyo goobo ay kooxdu ku xoogganayd.

Wuxuu sheegay in dagaalka uusan ku koobnayn howlgallada militari, balse ay dowladda sidoo kale diiradda saarayso joojinta ilaha dhaqaale ee kooxda, la dagaallanka fikirka xagjirka ah, dib u dhiska maamulka iyo adeegyada dowladda ee deegaanada laga saaro kooxda.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladda ay cafis u fidinayso xubnaha kooxda ee hubka iska dhiga, ka tanaasula fikirka xagjirka ah, kuna soo laabta bulshada.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn sheegay in hadafka dowladda Soomaaliya uu yahay in dalka uu yeesho awood uu isaga difaaco, ilaashado madax-bannaanidiisa, isla markaana door ka qaato amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.