Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii ugu horreeyay ee Kalfadhiga 8-aad, iyadoo goluhu ansixiyay xubin cusub oo loo magacaabay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isla markaana akhrintii koowaad loo gudbiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.
Ajandaha kulanka ayaa ka koobnaa saddex qodob oo kala ah ansixinta xubinta buuxinaysa booska ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada iyo akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Maryan Cali Abuukar, ayaa golaha horgeysay xubinta loo soo magacaabay Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyadoo ka codsatay senatarrada inay siiyaan codka kalsoonida.
Senatarrada Aqalka Sare ayaa ugu dambayn ansixiyay xubinta cusub, taasoo noqonaysa xubin ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.
Intaa kaddib, golaha ayaa u gudbay akhrinta koowaad ee laba hindise-sharciyeed oo kala ah Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada iyo Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.
Hindise-sharciyeedka Saadaasha Hawada iyo Cimilada waxaa soo bandhigay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Xuseen Cali Xaaji, halka Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka uu soo jeediyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Axmed Cismaan Diiriye.
Labada masuul ayaa senatarrada u sharraxay muhiimadda hindise-sharciyadan, baahida loo qabo in la meel mariyo iyo doorka ay ka qaadan karaan horumarinta hay’adaha iyo amniga dalka.
Kulanka ayaa lagu soo xiray kadib markii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu guddiyada ay khuseeyaan faray inay la wareegaan labada hindise-sharciyeed, dib-u-eegis ku sameeyaan, kana soo shaqeeyaan iyadoo la raacayo habraacyada dastuuriga iyo kuwa sharciga ah.
Labada hindise-sharciyeed ayaa hadda u gudbay marxaladda guddiyada, ka hor inta aan Golaha lagu soo celin si loo sii ambaqaado hannaanka sharci-dejinta.




