Mid Kamid ah Maraakiibta Mareykanku Cunaqabateynta Saaray oo Burcad Badeeda Soomaalidu Afduubteen.

0
4

Markab shidaal oo Mareykanku cunaqabateeyay ayaa kamid noqday maraakiibta ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida xilli ay soo kordhayaan weerarrada burcad-badeednimada ee Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Markabka Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan SIBU 1, ayaa Mareykanku cunaqabateeyay bishii Diseembar 2025, isagoo lagu daray maraakiibta Washington ay ku tilmaantay qayb ka mid ah “shadow fleet”-ka Iran.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa xilligaas sheegtay in markabka uu dhowr jeer qaaday wax-soo-saarka batroolka Iran, oo ay kamid yihiin naphtha iyo gasoil, iyadoo sidoo kale uu booqday dekedo ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan oo ku yaalla Yemen.

Cunaqabateynta ayaa qeyb ka ahayd tallaabo Mareykanku qaaday oo lagu bartilmaameedsaday 29 markab oo uu ku eedeeyay inay kaalin ku leeyihiin dhoofinta shidaalka Iran iyo ka dhuumashada cunaqabateynta dhaqaale ee Washington saartay Tehran.

Markabka oo wata calanka Eritrea, isla markaana ay maamusho shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta, ayaa 20-kii Agoosto lagu qabsaday gacanka Cadmeed, meel qiyaastii 136 mayl-badeed dhanka bari kaga beegan Al Mukalla ee Yemen.

Sida ay sheegtay UKMTO, lix nin oo hubeysan ayaa fuulay markabka, waxayna la wareegeen gacan ku hayntiisa, kaddibna u weeciyeen dhanka Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa markabka Seamull ka dhigtay mid si gaar ah indhaha loogu hayo, maadaama uu yahay markab horey ugu jiray liiska cunaqabateynta Mareykanka, isla markaana lala xiriiriyay ganacsiga shidaalka Iran.

Mareykanku wuxuu sheegay in cunaqabateyntiisa ay ka dhalatay xiriirka markabka iyo shirkadda Qatrat Alnada Almasi Ship Management, oo Washington ay ku eedeysay inay maamusho maraakiib qaada wax-soo-saarka batroolka Iran. Seamull wuxuu kamid ahaa maraakiibta shirkaddaas lala xiriiriyay.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli burcad-badeednimada Soomaaliya ay mar kale sare u kacayso, iyadoo ugu yaraan 13 weerar oo ka dhan ah maraakiibta laga soo sheegay xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed sanadkan, marka loo eego shan weerar oo la diiwaangeliyay sannadkii 2025.