Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Laftagareen, ayaa ka hadlay eedeymaha loo jeediyay ee ah inuu xiriir iyo xulafo la sameystay kooxda Al-Shabaab, kaddib markii dhawaan weerar ay halmar Baydhabo kusoo qaadeen ciidanka Lafta Gareen iyo kooxda Alshabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeeysay inuu Lafta Gareen miciin biday inuu Alshabaab ku biiro si ay isaga kaashadaaan qalqal galinta ammaanka Koonfur Galbeed.
Lafta-gareen ayaa sheegay in dagaalka Baydhabo uu ka dhashay ciidamo uu ku tilmaamay kuwo laga soo daabulay Muqdisho oo magaalada muddo ku sugnaa, isaga oo sheegay in ujeeddadu ahayd in dib loogu soo celiyo xarunta maamulka Koonfur Galbeed gacanta maamulkiisa.
Waxa uu sheegay in weerarka ay qaadeen ciidamadiisu uu ahaa isku day ay magaalada kaga saarayaan ciidamadii uu ku tilmaamay kuwo soo duulay, isagoo ku adkeystay in aysan ahayn arrin la xiriirta Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale la weydiiyay sababta uu markii hore uga baxay Baydhabo, isaga oo sheegay in xilligaas uu haystay awood uu dagaal ku geli karo, balse uu ka gaabsaday si looga fogaado in shacabka iyo deegaanka ay waxyeello kasoo gaarto.
Laftagareen wuxuu sheegay in duruufaha amni iyo cabashooyinka shacabka ay ku qasbeen inuu dib ugu soo laabto loollanka ka socda Koonfur Galbeed.













