Shaqaalaha Ka Hawl galayey Soomaaliya oo Qaramada Midoobay Dhimayso Maadaama Waqtigoodi Dhamaaday.

0
7

Qaramada Midoobay ayaa bilowday dhimista shaqaalaheeda rayidka ah iyo qorsheynta iibinta qaar ka mid ah hantideeda ku sugan Soomaaliya, iyadoo xiisadda dhaqaale ee sii xoogeysaneysa ay halis gelinayso nidaamka saadka ee taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ugu yaraan 10 shaqaale rayid ah oo ka tirsan Kooxda Taageerada Warfaafinta ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay (AU-UN IST) ayaa lagu wargeliyay in qandaraasyadooda la soo afjari doono 10-ka Sebtembar.

Ilo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in shaqaale kale laga yaabo in shaqada laga jaro toddobaadyada iyo bilaha soo socda, iyadoo Qaramada Midoobay ay isku dayeyso inay yareyso kharashaadka.

Dhanka kale, Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya UNSOS ayaa raadinaysa shirkado qaban kara iibinta hanti ay Qaramada Midoobay leedahay, taas oo ay ka mid yihiin gaadiid, matoorro, qalab culus, qalabka tiknoolajiyadda, qalabka caafimaadka iyo agabka hoyga.

Iibinta hantidan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan mustaqbalka taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM).

UNSOS ayaa muddo dheer ahayd laf-dhabarta saadka ee howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo bixisa adeegyo ay ka mid yihiin gaadiidka, duulimaadyada, caafimaadka, isgaarsiinta, hoyga iyo adeegyada injineernimada.

Miisaaniyadda UNSOS ee sannad-maaliyadeedka 2026-27 ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad 481.7 milyan oo dollar, taas oo ka hooseysa 520.6 milyan oo dollar oo loo ansixiyay sannadkii hore.

Hase yeeshee, taageerada UNSOS ee AUSSOM waxaa wajahaya waqti kama dambeys ah oo ka dhow, iyadoo oggolaanshaha hadda jira ee Golaha Ammaanka uu dhacayo 31-ka December.

Sida ilo xog-ogaal ah ay sheegeen, Washington ayaa ka soo horjeeda in la sii wado oggolaanshaha taageerada UNSOS ee AUSSOM wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan.

Arrintan ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in howlgalka Midowga Afrika uu wajahayo caqabado dhanka saadka iyo maalgelinta ah.