Gudoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Wada hadaladii uu La Lahaa Xildhibaanadi Mucaaradka ayaa Soo Dhamaaday.

0
4

Waxaa maanta soo gaba-gaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Guddi matalayey Xildhibaanada Mucaaradka.

Wadahadallada oo ku qabsoomay jawi deggen, ayaa looga arrinsaday sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha Golaha, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta Xildhibaanada.

Dhinacyadu waxay isku raaceen qodobadan soo socda: Dhex-dhexaadnimada Golaha: In Goluhu u ahaado mid dhex-dhexaad ah dhammaan dhinacyada, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo doorka Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, In la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo wada-shaqeynta Xildhibaanada, si hawlaha sharci-dejinta, Matalaadda iyo korjoogteynta hay’adaha Dowladda ay ugu socdaan si habsami leh oo wax-ku-ool ah, iyadoo la waafajinayo qodobada 7aad ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo Xorriyadda Hadalka iyo Dhiibashada oo ka tarjumaysa In Xildhibaan kasta oo ka tirsan Golaha Shacabka uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u cabbiro aragtidiisa iyo fikrikiisa, iyadoo la dhowrayo Qodobka 28aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.

Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mucaaradka waxay isku raaceen in si wadajir ah looga qayb-galo fadhiyada Golaha, si waafaqsan qodobka 23aad, farqadiisa 1aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka sida lagu shaaciyay Bayaanka kasoo baxay fadhigoodi.