Xeebaha Gobolada Puntland oo Duqeyn Cirka ah Lagu Dilay Ugu Yaraan Lix Qof Doonyo Saarnaa.

0
5

Lix qof oo kalluumaysato ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn galabta ka dhacday xeebta deegaanka Jiifle ee gobolka Nugaal ee Puntland.

Saxiimad maraysay xeebta deegaanka Jiifle ayaa la sheegay in lagu duqeeyay gantaal, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in doonta ay saarnaayeen shkahsiyaad lala xiriirinayo burcad-badeedda.

Qof kamid ah dadka deegaanka Jiifle oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in nin ka mid ahaa burcad-badeedda haysata markabka M/V LUTUF, oo la sheegay inuu siday agab iyo hub, uu laash kaga soo degay markabka, kadibna uu u soo dhaqaaqay dhanka xeebta.

Sida uu sheegay qofka deegaanka ah, kalluumaysato xeebta ku sugnaa ayaa u soo xoomay laashka, wax yar kaddibna waxaa haleelay gantaal.

Khasaaraha dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inuu intaas ka  badan yahay, mana cadda sababta loo beegsaday iyo halka laga leeyahay diyaaradaha duqaynta geystay, inkastoo dadka deegaanka ay ku eedeeyeen dowladda Turkiga.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli markabka LUTUF, oo ay burcad-badeeddu qabsadeen toddobaadkii hore, lagu haysto xeebaha Nugaal. Markabka ayaa la sheegay inuu siday hub, qalab isgaarsiineed iyo qalab dayax-gacmeed oo ku socday xarun tababar oo Turkigu ku leeyahay Muqdisho.

Duqeymo hore oo ka dhacay xeebaha Nugaal ayaa sidoo kale sababay dhimashada afar qof, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin cidda fulisay weerarrada.

Puntland ayaa dalbatay in dhinacyada loo aaneynayo duqeymaha ay bixiyaan faahfaahin ku saabsan howlgalada ka socda xeebaha deegaannadeeda.