Doorashada Hirshabeele ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada oo Dib Loo Dhigay Sababo Jira Awgood.

0
162

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo markii hore loo qorsheeyay in ay qabsoomaan 20-ka Agoosto 2026.

Guddigu wuxuu sheegay in dib-u-dhacu yahay mid kooban, isla markaana loo baahan yahay in la dhammaystiro hawlo muhiim u ah diyaar-garowga doorashada.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Guddiga, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa weli ka socota afar degmo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, taas oo ka mid ah sababaha keenay in doorashada dib loo dhigo.

Sidoo kale, Guddigu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ururrada siyaasadda la siiyo waqti dheeraad ah oo ay taageerayaashooda ku abaabulaan, si ay si buuxda uga qayb qaataan hannaanka doorashada.

Arrinta kale ee dib-u-dhaca sababtay ayaa ah in ururrada siyaasadda loo oggolaado inay soo gudbiyaan liisaska musharrixiinta u tartamaya doorashada.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah uu ku dhawaaqi doono jadwalka cusub ee doorashada iyo taariikhda rasmiga ah ee la qabanayo.

Dib-u-dhaca doorashada Hirshabeelle ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo ku aaddan hirgelinta doorashooyin toos ah iyo ballaarinta ka qaybgalka siyaasadeed ee shacabka.

Guddigu wuxuu ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Hirshabeelle inay la socdaan jadwalka cusub iyo ogeysiisyada rasmiga ah ee ka soo baxaya Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Hirshabeelle: Doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka oo dib loo dhigay