Hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo Soomaaliya La Filayo in ay u Gudubto.

0
6

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Gamal Mohamed Hassan, ayaa Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Wamkele Mene, oo booqasho rasmi ah ku jooga Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya uga gudbi lahayd marxaladda ansixinta heshiiska AfCFTA, una gudbi lahayd hirgelinta heshiiska iyo ka faa’iidaysiga suuqa ganacsi ee qaaradda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiiska AfCFTA, halka Madaxweynaha Soomaaliya uu 31-kii Luulyo 2026 saxiixay sharciga ansixinta. Tallaabada xigta ayaa ah in Soomaaliya ay Midowga Afrika u gudbiso dukumentiga rasmiga ah ee ansixinta heshiiska.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xeerarka asalka badeecadaha, shahaadooyinka asalka, canshuuraha ganacsiga, caqabadaha aan canshuuraha ahayn iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu diyaarin lahaa inay ka faa’iidaystaan fursadaha ka dhashay AfCFTA.

Heshiiska AfCFTA ayaa isku xiraya suuq ka badan 1.4 bilyan oo qof, iyadoo dhaqaalaha dalalka ku jira suuqaasi lagu qiyaasay in ka badan $3.4 tiriliyan.

Soomaaliya, oo leh xeebta ugu dheer dhul-weynaha Afrika iyo dekedo ku yaalla marinno muhiim ah oo isku xira Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo Khaliijka, ayaa doonaysa inay heshiiska uga faa’iidaysato sidii ay u ballaarin lahayd dhoofinta iyo ganacsiga gobolka.

Dowladda ayaa si gaar ah u xustay fursadaha ka jira dhoofinta badeecooyinka ay ka mid yihiin hilibka la farsameeyey, kalluunka la qaboojiyey ama la warshadeeyey, hargaha iyo saamaha, sisinta iyo xabagta.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaaday nidaamka Pan-African Payment and Settlement System (PAPSS), kaas oo fududeeya lacag-bixinta ganacsiga dalalka Afrika, iyo AfCFTA Adjustment Fund oo loogu talagalay taageeridda dowladaha iyo ganacsiyada la kulma kharashaadka ka dhasha hirgelinta heshiiska.

Soomaaliya ayaa sidoo kale danaynaysa ka-qaybgalka wada-hadallada ku saabsan ganacsiga dijitaalka ah, iyadoo dowladda ay doonayso in khibradda dalka ee adeegyada lacagaha mobilka iyo ganacsiga dijitaalka ah lagu daro qaabeynta mustaqbalka ganacsiga dijitaalka ah ee qaaradda Afrika.

Booqashada Wamkele Mene ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ku dhammaato kulan ay ka qaybgalayaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kaas oo looga hadli doono fursadaha ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, doorka ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo AfCFTA Adjustment Fund.