Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sheegay in la Joogo Waqtigii ay Soomaaliya Amnigeeda Masuuliyadiisa Qaadi Lahayd.

0
35

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la gaaray waqtigii ay Soomaaliya si buuxda u qaadan lahayd mas’uuliyadda amniga dalka, kaddib sannado ay taageero ka helaysay beesha caalamka iyo dalalka saaxiibka la ah.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer ay ka faa’iidaysanaysay taageero caalami ah, balse ay hadda muhiim tahay in dalka uu u gudbo marxalad cusub oo uu awooddiisa amni ku tiirsanaado.

“Waqtigeennii ayaa la joogaa, markeennii aan mas’uuliyadda qaadi lahayn,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isaga oo xusay in Soomaaliya ay maalin uun u mahadcelin doonto ciidamada iyo dalalka taageerada siiyay.

Waxa uu sidoo kale xusay ciidamada shisheeye ee Soomaaliya jooga, isagoo sheegay in askarta dalka ka taageeraya amniga ay mudan yihiin in si sharaf leh loo sagootiyo marka la gaaro waqtigooda, iyadoo la xusayo askartii ku dhimatay difaaca iyo xoraynta Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidanka ay hadda haystaan awood cusub oo aan la dhayalsan karin.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay soo mareen tababbarro muddo dheer socday, isla markaana ay heleen takhasusyo kala duwan oo ka baxsan tababarradii gudaha Soomaaliya.

“Waxaa idinku soo kordhay xoog aan la dhayalsan karin,” ayuu yiri madaxweynuhu, isagoo ciidamada ugu baaqay inay dadaalkooda sii wadaan, si natiijada tababarrada iyo horumarka ciidanka looga dareemo dalka oo dhan.

Xasan Sheekh ayaa ciidamada u sheegay in mas’uuliyaddooda ay ka mid tahay difaaca dalka, dadka, dowladnimada iyo Dastuurka Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo ciidamada qaranka iyo awoodda dowladda ee dhinaca amniga, iyadoo ujeeddadu tahay in mas’uuliyadda amniga dalka si weyn loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmay, iyadoo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM uu wajahayo maalgalin la’aan, iyadoo laga cabsi qabo in howlgalka uu istaago haddii saaxiibada caalamka uu Maraykanka ugu horreeyo uu joojiyo taageeradiisa.