Mareykanka ayaa muddo saddex bilood ah aan fulin duqeyn ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaa Puntland, iyadoo duqeyntii ugu dambeysay ay dhacday 6-dii May 2026, xilligaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda oo ku sugnaa buuraha Calmiskaad.
Xog ay soo bandhigtay New America, oo la socota howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in tan iyo May 6 aysan jirin duqeyn kale oo Mareykanku ka fuliyay ISIS-Somalia, inkastoo muddadaas la soo sheegay 13 duqeyn oo ka dhan ah Al-Shabaab oo uu Maraykanka ka fuliyay Soomaaliya.
Duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Daacish ayaa si weyn uga dhacay deegaannada buuraleyda ah ee Puntland, gaar ahaan buuraha Calmiskaad, halkaas oo kooxda lagu tuhunsan yahay inay saldhigyo ku leedahay.
Taliyaha AFRICOM, General Dagvin Anderson, ayaa hore u sheegay in taageerada Mareykanka ee dhinaca xog-ururinta iyo duqeymaha ay cadaadis xooggan saartay ISIS-Somalia, ayna hoggaamiyeyaasha kooxda ku khasabtay inay ku dhuuntaan godadka buuraha.
Warbixin Qaramada Midoobay soo saartay ayaa sidoo kale sheegtay in awoodda ISIS-Somalia ay hoos u dhacday, iyadoo tirada dagaalyahannadeeda lagu qiyaasay ku dhowaad 300 dagaalame.













