Puntland ayaa maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ku eedeysay sida uu ula dhaqmo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, iyadoo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, uu sheegay in maxaabiista loo hayo dano siyaasadeed iyo dhaqaale.
Wasiir Caydiid ayaa sheegay in maxaabiista laga helo dhaqaale, isagoo ku eedeeyay maamulka Waqooyi Bari inuu ka faa’iideysto lacagaha loogu talagalay daryeelkooda.
“Maxaabiista waa sac caano badan. Waa la maalayaa. Red Cross (Bisha Cas) ayaa halkii askari maalintii looga qaataa sagaal dollar. Dhowr iyo boqol kun ayaa bishii maamulka ku qaataa maxaabiista, oo ay u dheer tahay dawadooda. Nimanka Magafe ahaan ayaa loo haystaa ee siyaasad looma haysto,” ayuu yiri Caydiid.
Wasiirka ayaa sheegay in halkii laga baari lahaa dambiyada loo haysto maxaabiista, in loo adeegsanayo dano dhaqaale raadis ah. Wuxuu xusay in qaar ka mid ah maxaabiista loo baahan yahay in laga baaro doorkii ay ku lahaayeen dhacdooyinkii ka dhacay Laascaanood.
Caydiid ayaa si gaar ah u xusay dilalkii iyo tacaddiyadii dhacay xilligii dagaallada, isagoo sheegay in haddii maxaabiista lagu hayo dambiyo ay galeen, loo baahan yahay in loo maro hannaan caddaaladeed oo cad, isla markaana la diiwaangeliyo dambiyada loo haysto iyo xogta laga hayo qof kasta.
“Haddii maxaabiista la maxkamadeynayo, waa in lagu maxkamadeeyo dambiyadii ay galeen, oo runta la sheego,” ayuu yiri Caydiid.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah maxaabiista ay u baahan yihiin daryeel caafimaad, gaar ahaan kuwa qaba dhaawacyada iyo xanuunnada kale, isagoo ku baaqay in xaaladdooda caafimaad si gaar ah loo eego.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa gacanta ku haya boqolaal kamid ah maxaabiis ciidan oo ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii Laascaanood ka dhacay 25 August ee sanadkii 2023, kaas oo ciidamada Somaliland looga saaray saldhiggoodii Goojacadde, kaddib 8 bilood oo uu dagaal ka socday magaalada Laascaanood.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku xiray sii daynta maxaabiista ama isweydaarsiga maxaabiista labada dhinac in labada dhinac ay gaaraan heshiis nabadeed, islamarkaasna Somaliland ay ka tanaasusho damaceeda ku aaddan gobolka Sool.













