Wasiirka Difaaca Turkiga Yaşar Güler ayaa magaalada Ankara kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Ankara u tegay casuumaad uu ka helay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, waxaana booqashadiisa ay ku soo beegmaysaa xilli labada dal ay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha amniga iyo dhismaha hay’adaha ciidamada Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa muddo dheer lahaa iskaashi dhinaca difaaca iyo amniga ah, iyadoo Ankara ay taageero siiso ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta iyo dhismaha awoodda hay’adaha amniga.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ma aysan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobadii sida gaarka ah looga wada hadlay kulanka.
Booqashada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Ankara ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay wajaheyso xaalad amni oo cakiran iyo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamada dowladda, iyadoo iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee taageerada dibadda ee ciidamada Soomaaliya.













