Dalka Koofur Afrika oo Rabshado u Dhexeeya Ganacsato Soomaali ah iyo South African ka Dhaceen.

0
268

Isku dhac rabshado wata ayaa dhex maray qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida iyo dadka deegaanka ee Koonfur Afrika, iyadoo xiisadaha la xiriira socdaalka iyo ganacsiyada ay leeyihiin ajaanibta ay weli ka taagan yihiin dalka.

Isku dhaca ayaa ka dhacay bannaanka dukaamo ku yaalla dalkaas, waxaana la arkayay ganacsato Soomaali ah iyo dad kaloo u dhashay dalkaas oo is garaacaya, iyadoo qaar ka mid ah dadka ku lugta lahaa ay gacmaha ku hayeen ulo iyo waxyaabo kale oo loo adeegsanayay falkaas.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Koonfur Afrika ka socdaan ololeyaal iyo howlgallo ay kooxo bulshada ka tirsan ku baarayaan ganacsiyada ay leeyihiin ajaanibta, gaar ahaan dukaamada yaryar ee loo yaqaan spaza shops.

Dadka ka soo horjeeda ajaanibta ayaa mararka qaar dalbanayay in ganacsatada ay soo bandhigaan dukumentiyada socdaalka iyo ruqsadaha ganacsiga, iyadoo sidoo kale la soo sheegay in qaar ka mid ah ganacsiyada lagu amray inay xiraan ganacsiyadooda.

Isku dhaca ayaa baraha bulshada ka dhaliyay falcelinno kala duwan. Qaar ka mid ah dadka Koonfur Afrika ayaa dowladda ku eedeeyay inay ku fashilantay inay si buuxda u maamusho arrimaha la xiriira socdaalka iyo ilaalinta sharciga, halka kuwo kale ay walaac ka muujiyeen in xiisadaha u dhexeeya dadka deegaanka iyo ajaanibta ay isu beddeli karaan rabshado ballaaran.

Dhacdadan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa kaddib markii ganacsato Soomaali ah oo ku nool deegaanka Thokoza loo qabtay waqti kooban oo ay uga guuraan goobahooda ganacsi.

Xiisadaha ka dhasha ganacsiyada ay ajaanibtu leeyihiin iyo doodda ku saabsan socdaalka sharci-darrada ah ayaa muddooyinkii dambe noqday arrimo xasaasi ah oo ka taagan Koonfur Afrika, iyadoo kooxo bulshada ka tirsan ay dowladda ku cadaadinayaan inay si adag u xoojiso shuruucda socdaalka iyo ganacsiga.

Ilaa hadda, ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay isku dhacan, mana jirto xog rasmi ah oo faahfaahsan oo ku saabsan cidda bilowday rabshadda.