Heshiis Lagu Xoojinayo Iskaashiga Difaaca iyo Amniga oo ay Kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Pakistaan.

0
9

Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya wasaaradaha gaashaandhigga labada dal, kaas oo lagu ballaarinayo iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada.

Heshiiska ayaa lagu kala saxiixday magaalada Islamabad, xilli uu halkaas booqasho rasmi ah ku joogo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca Pakistan waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka Difaaca Khawaja Muhammad Asif.

Sida lagu sheegay heshiiska, labada dal ayaa iska kaashan doona la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha militari, horumarinta awoodaha difaaca iyo xoojinta iskaashiga amniga, si loo taageero nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Intii uu socday booqashada, wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan Admiral Naveed Ashraf iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Pakistan Air Chief Marshal Zaheer Ahmed Babar Sidhu, kuwaas oo looga hadlay amniga badda, iskaashiga difaaca iyo dhismaha awoodaha ciidamada.

Saraakiisha Pakistan ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka difaac ee ay la leeyihiin Soomaaliya, halka Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu bogaadiyay kaalinta Pakistan ee amniga badda gobolka iyo horumarka ay ka gaartay awoodda ciidamada cirka.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dardargelinayso qorshaheeda lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka, iyadoo isu diyaarinaysa marxalad cusub oo amniga dalka ah, Dowladda Pakistan ayaa dhankeeda sii ballaarinaysa iskaashigeeda difaac ee dalalka caalamka Islaamka.