Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom
Dowladda dalka Kenya ayaa Ka Biyo Diiday In ay wax wada hadal ah la galaan Xarakada Al Shabaab Oo maalintii Shalay Fariin U Diray Kenya kaasoo Ku Aadanaa In ay Dilayaan Maxaabiis Lix Gaaraya Oo ay gacanta Ku Hayaan Al Shabaab Haddii aan La Fulin Sharuudo ay Al Shabaab Soo Jeediyeen
Kenya ayaa Sheegtay In aysan Marnaba Fulineyn Codsiga Al Shabaab waxa ayna Intaa Ku Dareen In Ragga ay Soo Bandhigeen Xarakada Al Shabaab aysan Ahayn Rag Lagu Soo Qabtay Dagaal Oo aysan ka Tirsanayn Ciidamada Dowladda Kenya Balse laga Soo Qafaashay Dalka Kenya Deegaano ka Tirsan
Hadalkaan ka Soo baxay Dowladda Dalka Kenya ayaa Waxa uu Halis Galinayaa lixdii Ruux oo ay Al Shabaab Soo Bandhigeen Maalintii Shalay
Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom





