Qaraxyo Dhawaq Cusub Watay Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
492

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom

Labo Qarax oo Ilaa Iyo Haatan aan La Garan Nuucoodii ayaa Maanta Ka Dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho Ee Caasimada dalka Soomaaliya

Qaraxyadaani ayaa Laga Maqlay Waddada Warshadaha oo Inta badan ay Ku Sugan Yihiin Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom Iyo Kuwa Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya

Mid Ka Mid ah Qaraxyadasi ayaa waxa Uu ka Dhacay Nawaaxiga Isbitaalka Carafaad Ee Ku Teedsan waddada warshadaha Waxaana dadka Deegaanka ay Sheegeen In UU Ahaa mid Dhawaqiisa aan Horey Lo Maqal

Ilaa Iyo haatan ma Jiro Warar Madax Banaan Oo cadeynayo Khasaaraha Dhabta Ee qaraxyadaasi Laakin Dadka ka Agdhawaa Halka uu Qaraxyada ka Dhacay ayaa Sheegay In ay Jiraan Waxyeelo fara badan

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom