Mamnuucidda Qaraxyada Gacan ku Sameyska ee Loo Yaqaan (IED’s) oo Qaramada Midoobay Mamnuucday.

0
582

Xafiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Argagixisada (UNOCT) ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabayo mashruuc cusub oo lagu magacaabo: “Taageeridda Bariga Afrika ee la-dagaallanka isticmaalka argagixisadu ee qaraxyada gacanta lagu sameeyo (IEDs)”.

Mashruucan oo socon doona muddo saddex sano ah ayaa lagu xoojinayaa hirgelinta sharciyada la xiriira ka hortagga argagixisada iyo dhisidda awoodaha hay’adaha qaranka ee Kenya, Soomaaliya iyo Uganda, si ay si hufan uga hortagaan ugana jawaabaan khataraha ka imanaya IED-yada.
Mashruucan waxaa maalgelinaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kanada (Global Affairs Canada), waxaana hirgelinaya Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Qaramada Midoobay (UNCCT) ee hoos timaadda UNOCT, iyadoo dhinaca farsamada ay la shaqaynayso Hay’adda Qaramada Midoobay ee Ka-hortagga Miinooyinka (UNMAS), waxaana sidoo kale lala kaashanayaa Guddiga Fulinta La-dagaallanka Argagixisada (CTED).

Intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2024, isticmaalka IED-yada ee kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn ee Afrika ayaa kordhay celcelis ahaan 12% sanad walba. Qaraxyada noocan ah ayaa noqday hubka ugu badan ee ay adeegsadaan kooxaha argagixisada.

Tirada weerarrada IED-yada ee qeybtii hore ee 2025 ayaa muujinaysa in isbeddelkan kordhaya uu sii socon doono. Bariga Afrika ayaa ka mid ah gobollada ugu badan ee ay ka dhacaan weerarradan, waxaana muuqata in si joogto ah u kobcayo hababka ay kooxaha argagixisada ku helaan, ku farsameeyaan, kuna adeegsadaan IED-yada.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah inay ka hortagaan in argagixisadu helaan hub, iyadoo walaac ka muujisay in IED-yada iyo walxaha qarxa ee lagu sameeyo ay si weyn u sii kordhayaan in loo adeegsado hawlgallada argagixisada.