Xassan Sheekh Maxamuud Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho.

0
502

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay kadib booqasho uu ku tagay dalalka Uganda Iyo Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Socdaalkiisa ku wehliyay R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arimaha dibada, wasiirka gaashdhiga iyo xubno kale waxaana Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Cusmaan Kuwaasoo ka koobnaa 2da Gole ee dowladda Soomaaliya.

Mudane Gur Guurte Ayaa markii uu ka soo dagay garoonka saxaafadda shir jaraa’id u qabtay waxa uu ku sheegay in safaradii ay ku tageen dalalka Kenya iyo Uganda ay ku soo dhamaadeen guul iyo is afgarad dhameestiran.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaasi ku daray in madaxda Dowladda Kenya uu kala hadlay xoojinta xiriirka 2da dal iyo sidii loo Horumarinlahaa cilaaqaadkiika dhaxeeyay labada dowladood ee Kenya Iyo Soomaaliya.

Ugu dambeynti Madaxweynaha ayaa xusay in dhamaan kulamadii ay la yeesheen madaxda dowladadaha Kenya iyo Uganda ay isku afgarteen sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed maadaama ay labaduba dalkeena usoo direen ciidamo Xoog leh oo qeyb ka qaadanaya ka ciribtirka Waxa Uu Ugu Yeeray Argagaxisada Dalkeena Oo Uu Ula Jeeday Al-shabaab.