Waxaa maanta oo ku beegneyd 20ka dicenber 1943dii ay aheyd markii la aas aasey ciidan boolis soomaaliyeed waxaana ay maanta ku beegneyd 69 sano,waxaana looga dabaaldegey muqdisho,garoowe iyo konfurta galkacyo ee maamulka galmudug.
Munaasabada muqdisho ka dhacdey dugsiga tababarka general kaahiye ka qeyb galey ra’iisawasaare saacid,taliyaha ciidamada booliska general sharif shikhuna maye iyo madaxda gobolka banaadir,iyo marti sharaf kale iyadoo ay dhamaan sheegey muhimada uu boolisku leeyahey,ugu danbeyntiina ra’iisalwasaare saacid iyo genanka boliska sharif shukhunaa maye ayaa hambalyo iyo bogaadin u direen ciidamada booliska iyo qoysaskooda iyadoo ay sheegeen in il gaara la siindoona ciidanka booliska soomaaliyeed.
Sidoo kale m/weynaha puntland c/raxmaan sh maxamuud faroole ayaa isna hambalyo u ku aadan sanadguurada 69’aad u direy ciidanka booliska soomaaliyeed,halka m/weynaha galmudug cabdi xasan cawaale ayaa isaguna hambalyo midaa la mid ah u direy ciidamada booliska soomaaliyeed.
Munaasabadan ayaa sanadkiiba hal mar la qabtaa iyadoo lagu dhiiri gelinayo ciidamada qeybahooda kala duwan,waana wax soo socdey in mudo ah taas lagaga deydey gaalada dalka soo gumeysan jirtey balse aan laheyn rugniyaal islaami ah oo loo daliilsado,maadaama aynu nahey dad muslim ah oo u hugaansama amarka alle iyo rasuulkiisa muxamed(swc).




