In Ka Badan 70 Urur Siyaasadeed Haysta Shahaado ku meel gaar ah oo Maanta Ku Midoobey Dalad kulmisa.

0
286

Kulan ay Maanta Yeesheen ku Dhawaad 75 Ururo Siyaasadeed Haysta shahaadada kmg ee heerka koowaad ee Axsaabta Siyaasadda Dalka ayaa maanta ku Midoobey Dalad kulmisa oo leh Xeer Hoosaad ay ku Dhaqmaan kaas oo dhamaan Ururadii shirka kasoo qeyb galey loo Qeybiyey Nuqul Xeerka Dalladda ah kaas oo Qeexaya Astaanta,Vission,Mision iyo Qodobo Qeexaya Hab dhaqanka iyo Qaab Dhismeedka Daladda.

Madaxda Ururada oo isugu jirey Gudoomiyeyaal Urur,wakiilo ka socdey Ururada ayaa isla gartey in Xeerka lasoo Aqriyo Talo bixin wax ku darid iyo Dhimid hadey jirto leysugu laabto muddo 10 cisho kadib,iyadoo leysku raacey in Dalladdu yeelato Xafiiska Xiriirka Dalladda kaas oo leysku raacey in uu si kmg ah uga hawl galo Xiriiriyaha Ururada Siyaasadda Dalka Cali Maxamed Nuux Timajilic,uuna soo diyaariyo Ajendaha kulanka xiga kan maanta Dhacey iyo hirgelinta Shirarka Soo socda insha allaah.

Ururadan oo ujeedkoodu yahey in Noqdaan hal Xisbi ayaa iska wareystay Xaaladda Dalku Marayo iyo Sidii ay Dalka uga Dhici Laheyd Doorasho Qof iyo Cod ah oo Ku Saleysan Tartan iyo Nidaamka Xisbiyada Badan xukuumadda Dalka ka Jirtana ugu baaqey in si Dhaqso ah Loo soo Dhiso Gudiga Madabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalka oo aaney Mar kale dhicin lug jiid iyo Hagardaameyn ka dhan ah Dimuquraadiyada iyo Xuquuqda Muwaadinka ee ah in uu wax Doorto lana Doorto Sida uu Qabo Dastuurka iyo Xeerarka Dalku.

Ururadan Maanta kulmey ayaa Soo Jirey laga bilaabo Desenber 2017kii ilaa maanta iyagoo juhdi badan geliyey wacyi gelinta bulshada ee dhiibashada Codkooda iyo Sameynta Xafiisyo laga Furey Gobolada Dalka nasiib darro waxey Mar walba la Kulmayeen hirgelin la’aanta Nidaamka Doorashooyinka kuna Sirmay hadalka Madax aan nidaamkaas Dooneyn oo Afka Baarkiisa ka yiraa Waxaan u Soconaa Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo ku Saleysan nidaamka xisbiyada badan ugu danbeyna u jeesta waxa loogu yeero Doorasho Dadban iyo nidaamka 4.5 kaas oo Ragaadiyey Horumarkii Dalka Abuureyna Colaado Sokeeye oo ka Jira Gobollo badan oo Dalka ah.

Ugu Danbeyntiina Madaxda Ururada ayaa ka Codsadey Madaxda Xiligan in ay ka fogaadaan hawl aan loo socon oo Fagaarayaaha laga sheego si bulshadu Jaha wareer iyo Quus u istaagaan Hankoodi iyo Hawadoodiina Dad yar Gacanta loo geliyo,shirka ayaana ku soo idlaadey is afgarad iyo Jawi More than 70 political organizations that have a temporary certificate today united under one umbrella