Xubno Ka Tirsan labada Aqal ee Barlamaanka Federalka oo Laga Joojiyey Kulamada kadib ishortaagga Hawlaha Barlamaanka.

0
4

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka joojiyay xubno ka tirsan baarlamaanka inay soo xaadiraan, kadib markii lagu eedeeyay carqaladeyn ku sameynta fadhiyo wadajir ah oo labada gole ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargaisa) 28-kii Janaayo 2026.

Xubnaha laga joojiyay ayaa lagu amray inaysan ka qaybgalin 12 kulan oo wadajir ah oo ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo talaabadan loo qaaday si loo ilaaliyo nidaamka iyo ammaanka Golaha, loona hubiyo in howsha baarlamaanka ay si habsami leh u socoto.

Sidoo kale, qaar ka mid ah xubnaha kale ee la sheegay inay ku lug lahaayeen falal carqaladeyn ah ayaa loo diray digniin rasmi ah.

Taliska Amniga ee Golaha Shacabka ayaa la faray inuu qaato tallaabooyin waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha si loo xaqiijiyo badqabka xubnaha iyo shaqaalaha Golaha sida lagu sheegay laba bayaan oo ka kala soo baxay Golaha Shacabka iyo Aqalka sare.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in tallaabadan ay lagama maarmaan u tahay si looga hortago in dhacdooyin noocan oo kale ah mar kale ay dhacaan, loona ilaaliyo sharafka iyo haybadda Baarlamaanka.

Ugu dambeyn, Go’aan maamul oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa ka joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka labada Gole tiro 12 kulan ah Senatarrada kala ah Sanatar Leyla Nuur Maax iyo Sanatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kaddib qalalaaso iyo ku xadgudub Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay ku kaceen labada Sanatar intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen 28-kii Janaayo, 2026.

Halkaan hoose ka akhri magacyada Xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka sare ee laga mamnuucay xaadiritaanka fadhiyada wadajirka ah:-

Guddoonka labada aqal oo ka joojiyay xubno ka tirsan Baarlamaanka kadib markii lagu eedeeyay carqaladeynta fadhiyada wadajirka ah