Madaxweynaha Federalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh oo ku Dhawaaqay in Laascaanood Tahay Caasimada Midnimada.

0
7

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabadda lagu caleema saarayay madaxda dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u jeediyay madaxda cusub ee maamulka Waqooyi Bari, isagoona si gaar ah ugu bogaadiyay dadaalada ay ku bixiyeen ee dhanka Midnimada iyo wadajir shacabka  Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga shaaciyay in laga bilaabo maanta magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ay noqoneyso Caasimadda Midnimada Soomaaliyeed.

“Maanta kadib magaalada Laascaanood waxaa loo aqoonsaday iney tahay  Caasimadda Midnimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale madaxweynahu uu ka hadlay askartii Somaliland looga qabtay dagaaladii ka dhacay Laascaanood iyo nawaaxigeeda ee wali ku xiran xabsiyada magaaladaas.

“Sax ma ahan in wiilal Soomaaliyeed iney xabsiyada ugu sii jiraan sababo la xiriira aragtiyo siyaasadeed, dowladdu waxay ka shaqeyn doonta sidii loo sii deyn lahaa dhalinyarada u xiran arrimo siyaasadeed oo qaloocan, kuwaas oo aan waafaqsanayn mabaa’diida cadaaladda iyo dowladnimada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in cadaaladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada, islamarkaana aysan jiri karin horumar iyo xasilooni hadii muwaadiniinta lagu caburiyo aragtidooda siyaasadeed.