Ciidamada ammaanka Jubbaland ee ku sugan tuulada Baar Sanguuni ayaa galabtii Jimcaha gacanta ku dhigay laba dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidamada kadib markii ay ka goosteen kooxdaasi.
Labada nin ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Mustafa Aadan iyo Ismaaciil Aadan Ibraahim, kuwaas oo hore uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka howlgala agagaarka jiinka Wabiga Jubba, halkaas oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen.
Saraakiisha amniga ee deegaanka ayaa xaqiijiyay in labada dagaalyahan ay wateen laba hub, oo mid kamid ah uu ahaa BKM, halka kan kalena uu watay qori AK-47 ah iyo booshkiisa sida ay daabacday warbaahinta Jubbaland.
Dhanka kale, wararku waxay sheegayaan in maalmahan dambe ay soo kordhayaan dagaalyahannada Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada kala duwan ee Jubbaland, taas oo ay saraakiisha ku micneeyeen inay muujinayso cadaadis sii kordhaya oo lagu hayo kooxdaasi iyo hoos u dhac ku yimid awooddeeda dagaal ee gobolka.
Waxaana dhammaan arimahaan ay kusoo aadayaan iyadoo todobaadyadii lasoo dhafay ay kordhiyeen ciidamada Danab ee Dowladda iyo kuwa Jubbaland howlgallada ka dhanka ah Al shabaab.











