Marka aad gasho Isbitaalka Jaamacadda Aga Khan ee Nairobi (AKUH), waxaa markiiba kuu muuqanaya jawi isku dhafan oo ka kooban hal-abuur, saxnaan, iyo rajo caafimaad oo casri ah. Wariyeyaal ka kala socday Soomaaliya, Itoobiya, Nigeria, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa muddo saddex maalmood ah safar warbaahineed oo gaar ah ku tegay isbitaalka, iyagoo si dhow u daawaday sida uu u shaqeeyo mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee ugu hormuudsan Afrika.
Booqashada ayaa ku bilaabatay kulan lala yeeshay madaxda isbitaalka, kuwaas oo sharaxay himilada AKUH, iyo inay bixiyaan daryeel caafimaad oo heer caalami ah oo ka yareeyay dadka Afrikaanka baahida ay ugu safri jireen dalal kale si ay u helaan daaweyn takhasus sare ah.
Maamulaha Isbitaalka AKUH Nairobi, Rashid Khalani, ayaa sheegay in isbitaalku hoos yimaado Shabakadda Horumarinta Aga Khan (AKDN), isla markaana uu yahay hay’ad gaar loo leeyahay oo aan faa’iido doon ahayn.
“Ma jirto faa’iido loo qaybinayo saamileyda. Wax kasta oo dheeri ah waxa lagu maalgelinayaa tignoolajiyada, tababarka, iyo tayada daryeelka. Himiladeennu waa jawi caafimaad oo hubiya tayada, iyo helitaanka adeeg dhammeystiran,” ayuu yiri.
Maamulaha Isbitaalka AKUH Nairobi, Rashid Khalani
Qeybta qalliinka, wariyeyaashu waxay ku arkeen qolal badan oo qalliino adag lagu sameeyo, sida qalliinka kansarka, beerista xubnaha, qalliinka carruurta, iyo qalliinnada wadnaha. Dhakhaatiirta, borofeysaro, kalkaaliyayaal, iyo raadiyoolajis ayaa si wadajir ah uga shaqeeya hab isku dhafan oo hubiya badbaadada bukaanka.
Wariyeyaashu ayaa markaas u gudbay sheybaarka catheter-ka wadnaha (Cath Lab), halkaas oo lagu qabto howlo adag oo la xiriira dhibaatooyinka wadnaha iyo xididdada dhiigga. Qolka waxaa yaalla qalab casri ah oo soo qaada sawirro faahfaahsan, isla markaana awood u leh in lagu daaweeyo bukaanka iyada oo aan qaliin furan lagu samayn. Adeegyada ka socda qeybtaasi waxaa ka mid ah angioplasty, gelinta stent-yada, iyo hagaajinta garaaca wadnaha.
Qeybta kale ee muhiimka ahayd waxay ahayd daaweynta xaaladaha la xiriira kansarka. Qeybaha radiotherapy-ga iyo chemotherapy-ga ayaa muujiyay sida AKUH uga go’an tahay daryeel casri ah oo loogu talagalay bukaanada kansarka, iyadoo lagu bixiyo qorshayaal daaweyn oo gaar ah, mashiinno radiotherapy ah oo bartilmaameedsada burooyinka, PET-CT scans oo sax ah, iyo qalab kale casri ah.
Isbitaalka Jaamacadda Aga Khan (AKUH) ee Nairobi ayaa ahaa xaruntii ugu horreysay ee Bariga iyo Bartamaha Afrika keentay tignoolajiyada PET-CT, taas oo soo saarta sawir-qaadis horumarsan oo loo adeegsado ogaanshaha xaaladaha kansarka, wadnaha iyo maskaxda oo ay ku jiraan CT-ga gaarka ah ee PSMA-PET ee kansarka qanjirka ‘prostate’.
Isbitaalka waxa uu leeyahay labo Cathlabs, wuxuuna bixiya adeegyo kala duwan oo casri ah sida Nuclear Medicine (SPECT CT), Linear Accelerators (LINACs), MRI, CT-Scan, neuro-navigation, mammogram, PCR Biofire, MALDI-TOF, iyo kuwo kale.












