Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo adag oo sharci ah, kadib markii ay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka u gudbisay dacwad ka dhan ah xubno ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS).
Tallaabadan ayaa timid kadib markii wasaaraddu ay fulisay waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta nidaamka iyo sharciga isboortiga dalka, iyadoo la xaqiijiyay xog muujinaysa falal lala xiriirinayo musuqmaasuq, tahriibin iyo ku takrifal awoodeed oo ka dhex dhacay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda.
Magacyada xubnaha lagu soo eedeeyay waxaa ka mid ah, Axmed Cabdi Xasan (Wataac) oo ah Guddoomiyaha Guddiga GOS, Duraan Axmed Faarax oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka GOS, Maxamed Cabdow Xaaji oo ah Xoghayaha Guud ee GOS iyo Faarax Cali Macalin oo ah Kaaliyaha Xoghayaha GOS.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xubnahaan ay mari doonaan nidaamka sharciga ee dalka, iyadoo natiijooyinka baarista iyo tallaabooyinka xiga lagu wargelin doono bulshada si hufan.
Warqada kasoo baxday Wasaaradda ayaa timid kadib markii Gudoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) Axmed Cabdi Xasan (Wataac) oo la hadlay warbaahinta uu daaha ka qaaday in Wasiirka oo ka tirsan qoyska madaxweynaha uu dhibaato xooggan ku haayo Gudigooda oo ah mid madax banaan oo is doorta mushaarna aan ka qaadan dowladda.
Waxa uu sheegay in xarunta uu ku shaqeeyo gudiga uu doonaayo Wasiirka in uu la wareego markii ay ka biya diideena uu soo saaray warqad uu shaqada uga joojinaayo taasna ay tahay mid sharciga baal marsan oo marnaba aan sax aheen .
Wataac ayaa sheegay in wasaaradda xaruntii ay laheyd kuna shaqeyn jirtay oo ku dhegan xarunta Gudiga ay horay u sheegtay in ay ka maarmeen taas oo la rumeesanyahay in la siiyay Ganacsato dano gaar ah ku fulsanaayo.












