Safiirka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya Ilyas Cali Xasan ayaa goordhaw beeniyay in Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ee Arusha ay dib u soo celisay Xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa beeniyay wararka sheegayay inuu soo baxay xukun maxkamadeed oo dib loogu celinayo xubnaha dowladda Federaalka Soomaaliya soo xushay ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook Danjire Ilyaas Cali Xasan ayuu ku sheegay in maxkamadda Arusha ay maanta dib u dhigtey waqtiga ay soo saareyso go’aanka kama dambeysta ah ee dacwadda laga gudbiyay xubnaha Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.
“Waa waxba kama jiraan warka ah in Maxkamada EACJ ay go’aamisey in dib loo celiyo xubanaha DFS dhowaan soo xushey Baarlamaanka EALA. Maxkamada waxay dib udhigtey keliya waa waqtiga ay soo saareyso go’aanka kama dambeyska ah xukunka dacwada” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania Ilyaas Cali Xasan.
Maxkamadda Arusha ayaa horay mudo u hakisay in la dhaariyo Xildhibaannada Soomaaliya, kadib markii koox siyaasiyiin Soomaali ah gudbiyeen dacwad ka dhan ah doorashadaas.
Hadalka Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa kusoo aadaya, iyadoo goor sii horeysay oo maanta ah soo ifbaxeen warar sheegayay in maxkamaddu ay go’aan ku gaartay dib u celinta xubnaha Xildhibaanada Soomaaliya ugu mid noqon lahaa Baarlamaanka Urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika.












