Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu si degdeg ah u joojinayo Barnaamijka Ilaalinta Ku-Meel-Gaarka ah (TPS) ee Soomaalida Maraykanka, isaga oo sabab uga dhigay “khatar amni” uu sheegay in ay gobolka Minnesota ka abuurayaan “koox Soomaali ah.”
Hadalkan oo uu ku faafiyey bartiisa Truth Social ayaa si weyn u kiciyay dood siyaasadeed iyo falcelin baahsan, Barnaamijka TPS ee Soomaalida oo la bilaabay 1991, xilligii madaxweyne George H.W. Bush, waxa uu siin jiray difaac sharci dadka Soomaalida ah ee aan si nabad ah ugu noqon karin dalkooda, sababo la xiriira dagaal sokeeye iyo amni darro joogto ah.
Trump ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Minnesota ay noqotay “xuddun dhaqaale sharci-darro ah,” eedeymo uu la xiriiriyay warbixino aan la xaqiijin oo ay faafiyeen siyaasiyiin Jamhuuri ah, kuwaas oo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’iideystaan musuq ku lug leh lacago laga lunsaday gobolkaas.
Si kastaba, dhaliil adag ayaa ku timid hoggaanka gobolka, Barasaabka Minnesota Tim Walz ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si ula kac ah “u beegsaday bulsho dhan,” isagoo ku tilmaamay arrintaan mid lagu jeedinayo dareenka shacabka xilli siyaasadeed adag.
In kasta oo Soomaalida ku nool Minnesota intooda badan ay yihiin muwaadiniin Maraykan ah, haddana tiro kooban oo gaaraya 705 qof ayaa haysta TPS, sida lagu sheegay warbixin ka timid adeegga cilmi-baarista Congress-ka.
Marka la barbar dhigo, in ka badan 330,000 oo u dhashay Haiti iyo 170,000 oo ka yimid El Salvador ayaa ku jira isla barnaamijkan.
Jaylani Hussein, agaasimaha fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka-Islaamka ee Minnesota, ayaa u sheegay BBC-da in go’aanka Trump uu yahay mid “nabad-diid ah” oo dhaawacaya qoysas sharciyadoodu dhammaystiran tahay.
“Kuwani waa muhaajiriin sharci ah Waxay raacayeen sharciga, mana mudna in lagu ciqaabo ciyaar siyaasadeed,” ayuu yiri Jaylani Hussein.












