Qarxyo Laga Soo buuxiyey Gaadiid Magaalada Muqdisho u Socday oo Ciidamada Amnigu Fashiliyeen.

0
303

Warar dheeraad ayaa laga helaya howlgal ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku fashiliyeen qaraxyo miino oo ay kooxda Al-shabaab ku diyaariyeen deegaano ka tiran gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay  ciidamo ka tirsan guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April, kuwaas oo burburiyay goobo kooxdu diyaarisay qaraxyo miino oo ku yaala duuleedka degmada Afgooye, gaar ahaana deegaanada kala ah Cumar Beere, Faay Yusuf iyo Cismaan Dhure oo dhamaantood hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliye ku xigeenka guutada 7-aad, Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdullaahi Caraaye oo loo yaqaano Foo-Foo oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu ay ku burburiyeen miinooyin badan oo Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka muhiimka ah oo ay maraan dadka shacabka ah.

“Ciidanka, ayaa qarxiyey miinooyin Khawaarijta ay u dhigeen dadka shacabka ah, iyadoo geesiyaasha ay ku raad joogaan firxadka cadowga” ayuu yiri Taliye ku xigeenku guutada 7-7-aad Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdullaahi Caraaye Foo-Foo.

Taliye Foo-Foo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay cagta mariyeen baro iyo xarumo kooxdu baad uga qaadan jirtay dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada hoostaga degmada Afgooye, wuxuuna xusay in howlgalka khasaare kala duwan ay ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ee ku sugan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolkaas.