Mideynta Nidaamka Dawladda Soomaaliya oo Xukuumadda Federalku Bilowday iyo waxa ay ka dhigantahay.

0
197

Guddiga Dowladnimada Danabeysan ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, iyagoo diiradda saaray qorshaha dowladda ay ku wajahneyso dhismaha nidaam casri ah oo gebi ahaan ku saleysan dijitaalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Maxamed Aadan Macallin, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii loo mideyn lahaa nidaamyada dowladda, loo dhisi lahaa kayd xogeed mideysan, loona dardargelin lahaa adeeg-bixinta casriga ah ee ku dhisan tiknoolajiyadda.

Kulankaan waxaa ka qeyb galay wasiirrada Maaliyadda, Qorsheynta, Waxbarashada, Ganacsiga, Caafimaadka, Shaqada, Amniga, iyo Arrimaha Gudaha, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Villa Somalia.

Mas’uuliyiinta ayaa isku raacay in muhiimad gaar ah ay leedahay in la helo hannaan mideeya xogaha dowladda, si loo fududeeyo helitaanka macluumaadka iyo adeegyada ay u baahan yihiin muwaadiniintu.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray dardargelinta habraacyada maamulka casriga ah, kobcinta wada-shaqeynta wasaaradaha ku lugta leh nidaamka dowladnimada danabeysan, iyo xaqiijinta daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Guddigan cusub oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee casriyeynta maamulka iyo adeegyada ayaa lagu wadaa inuu hoggaamiyo isbeddel lagu mideynayo nidaamyada dowladda, loona abuuro hannaan hufan oo dhijitaal ah oo si toos ah u taageera adeegyada bulshada.