Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Daahfurtay Mashruuca Foojignaanta Masiibooyinka Dabiiciga ah.

0
8

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), ayaa si rasmi ah u daahfurtay Geedi-socodka Habka Kasii Foogignaanta Masiibooyinka kadib shir socday saddex maalmood oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb galeen wasaarado dowladeed, hay’ado caalami ah iyo ururo aan dowli ahayn.

Geedi-socodkan cusub ayaa ujeeddadiisu tahay in la hormariyo awoodda Soomaaliya ee ka hortagga masiibooyinka la xiriira isbeddelka cimilada, iyadoo la dhisayo hannaan mideysan oo sahla saadaalinta, ka falcelinta hore iyo maaraynta khataraha ka dhasha roobabka, abaaraha, fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee soo noqnoqda sida lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay SoDMA.

Intii uu shirkani socday, dhinacyada ka qayb galay waxay si wadajir ah diiradda u saareen, Abuurista lix tiir oo farsamo oo saldhig u noqonaya ka hortagga masiibooyinka, In la mideeyo xogaha dalka si go’aan qaadasho degdeg ah loo helo, In la xoojiyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda, UN-ka, iyo NGO-yada iyo In la hubiyo in nidaamyada feejignaanta hore ay noqdaan kuwo joogto ah oo dalka oo dhan ka shaqeeya.

 

Mas’uuliyiinta SoDMA ayaa sheegay in geedi-socodkani yahay mid muddo dheer laga shaqeynayay, isla markaana ka tarjumaya wadajir iyo faham buuxa oo ka dhexeeya bah-wadaagayaasha ku lugta leh la tacaalidda masiibooyinka Soomaaliya.

Mid kamid ah Agaasimayaasha Hay’adda SoDMA, Khadar, ayaa tilmaamay in ka-hortagga masiibooyinka u baahan yahay qorshe fog iyo isku xiran.

“Geedi-socodkan waxa uu ka dhigan yahay sanado shaqo adag iyo wada shaqayn ballaaran. Dowladdu waxay ka go’an tahay in la dhiso hab-raac rasmi ah oo ka hortagaya masiibooyinka, balse guusha dhabta ahi waxay ka imaanaysaa wadajirka dhammaan bah-wadaagayaasha.” ayuu yiri Khadar oo madasha ka hadlaayay.

Wakiillo ka socday hay’adaha DRC, FAO, WFP, iyo IGAD ayaa ku bogaadiyay dowladda dadaalka cusub, iyagoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada farsamo iyo tan maaliyadeed ee xoojineysa habka cusub.

Daahfurka habkan cusub wuxuu Soomaaliya u horseedi doonaa, In la yareeyo khasaaraha ka dhasha masiibooyinka cimillada, In la helo nidaam qorsheysne oo lagu aqoonsado khataraha ka hor inta aysan dhicin, In la helo iskaashi adag oo dhex mara dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah iyo In bulshooyinka Soomaaliyeed loo diyaariyo inay si wanaagsan uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah.