Guri ku yaal Xaafada Oktoobar ee Magaalada Hargeysa oo ay ku Dhinteen Afar Caruur Walaalo ah kadib Markii Aabahood Guriga Gubay.

0
260

Afar carruur ah oo walaalo ah ayaa ku gubatay guri jiingad ah oo ku yaalla xaafadda October ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, kadib markii aabahood oo cadhaysnaa uu dab qabadsiiyay.

Carruurta oo kala ahaa saddex wiil iyo hal gabadh, oo dhammaantoodna ka yaraa da’da 10 jirka, ayaa ku dhintay guriga kadib markii aabahood inta uu guriga korka kaga xidhay uu dab qabadsiiyay, taasoo sababtay in dhammaan carruurtu ay ku shuf beelaan guriga, sida ay sheegeen ciidamada dab-damiska.

“Guriga oo gubanaya ayaanu aragnay, waxaan ku idhi ‘Waar Xamsow carruurta guriga ka fur,’ wuxuu yidhi ‘Naa naga tag, ha gubtaane,’ kadibna xaggaas ayuu iska maray,” ayay tidhi gabadh goob-jooge ah oo u warrantay MMTV.

Sida dabdamisku sheegeen aabbaha carruurta dhalay ayaa dabka qabadsiiyay carruurtiisa, waxaana aabbaha iyo hooyada carruurta dhashay ka dhex jiray khilaaf, iyagoo iskula jiray maxkamad. Kaliya waxaa dabka ka badbaaday gabadh yar oo naaska nuugaysay, taas oo la joogtay hooyadeed. Maydka carruurta ayaa la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

“Manaan moodayn in carruurtu ku jirto guriga, cidlo ayaanu ku ogayn. Waxaanu maqalnay carruurta oo ooyaysa, guriguna xagga hoose ayuu ka soo gubtay oo xoog ayuu u gubanayay. Carruurta ta ugu weyn waxay ahayd siddeed jir, waxayna kala ahaayeen saddex wiil iyo hal gabadh,” ayay Deeqa oo dhacdada goob-joog ka ahayd u sheegtay MMTV.

Gabadha kale oo goob-jooge ahayd ayaa iyaduna tidhi: “Maxkamadda ayay iskula jireen naagta iyo ninka, kadibna carruurta ayaa saaka inanta loo saxeexay. Carruurtii keen ayaa lagu yidhi, dee waakaa carruurtii gubay.”

Warbixin ay soo saareen ciidamada dab-damiska ayaa lagu sheegay in aabbaha lagu eedeeyay falkan arxan-darrada ah la soo qabtay isagoo baxsanaya, isla markaana hadda lagu hayo laanta dambibaadhista CID-da.

“Taliyaha Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Somaliland, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), wuxuu murugada la qaybsanayaa qoyska geeridu ku dhacday. Waxaanu Alle uga baryayaa in beddel kheyr qaba siiyo. Aamiin, Aamiin, Aamiin,” ayaa lagu yidhi warbixinta ciidanka.

Madaxweyhihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo kamid ah dadka tacsida u diray qoyska dhibaatadu soo gaadhay yaa yidhi:  “Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii iyo qaranka JSL ee ay ka baxeen afarta carruurta ee walaalaha ah ee maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, degmada Axmed Dhagax, iyagoo ku naf waayay dab  qabsaday hoygoodii.

Dhacdadan ayaa bulshada dhexdeeda ka abuurtay argagax, waxayna noqotay dhacdo ugub ah oo aan la filayn, ilaa hadda lama sheegin dhibaatada gaarka ah ee ka dhexaysay ninka iyo xaaskiisa ee sababtay inuu dab qabadsiiyo ubadkii uu dhalay.