Deegaanka Cali Heele oo lagu Dilay Maleyshiyaad iyo Horjooge Al-shabaab ka Tirsanaa.

0
8

Ciidmaada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysnaa ku dilay horjooge sare oo ka tirsana Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Horjoogaha howlgalka lagu dilay ayaa lagu macaabi jiray Axmed Sheekh Cumar oo horay u soo noqday guddoomiyihii kooxda ee deegaanka Runirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ururka 86-aad ee guutada 77-aad Cabdinuur Qadaaye ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in horjoogahan lagu dila howlgalka Shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka Cali Heele.

Taliyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada is garabsanaya ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Cali Heele oo ka mid ah deegaanada ay mudooyinkii dambe ka talinayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

“Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa difaaca deegaanka waxa u suura gashay iney khaarajiyaan horjoogahii Khawaarijta ee deegaanada dhaca xadka Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud Axmed Sheekh Cumar oo ahaa nin dhibaato badan ka geystay deegaanadaa, waxaa lala dilay xubno kale oo ilaaladiisa aheyd” ayuu yiri Taliyaha Ururka 86-aad ee guutada 77-aad Cabdinuur Qadaaye.

Taliye Qadaaye ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan horjoogayaasha Al-shabaab iney sii wadayaan ila ay ka ciribtirayaan guud ahaan kooxda Al-shabaab.