Xildhibaanad Ilhan Omar, oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee dalka Maraykanka, ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda X (Twitter) in dalka Suudaan uu wajahayo musiibo bani’aadamnimo oo ka mid ah kuwa ugu xun adduunka, isla markaana ay halkaas ka socoto xasuuq ba’an.
Ilhan ayaa tilmaamtay in ay jiraan toban kun oo qof oo dhintay iyo in ka badan 12 milyan oo qof oo barakacay, iyadoo ku tilmaamtay xaaladda Suudaan mid murugo iyo argagax leh.
Waxay sheegtay in sawirrada iyo muuqaallada muujinaya ciidanka RSF oo qabsaday magaalada El Fasher ay yihiin kuwo naxdin leh oo muujinaya dhibaatada shacabka reer Suudaan ku haysta dagaalka sokeeye ee socda.
Ilhan Omar ayaa si adag u cambaareysay Imaaraadka Carabta (UAE) iyo ganacsatada hubka ee taageera ama siiya hub RSF iyo maleeshiyaadka la safan, iyadoo ku baaqday in la soo saaro isla xisaabtan iyo ciqaab dhab ah oo lagu wajaho cid kasta oo ka qaybqaadata dhiigga daadanaya ee dalkaas.
“Imaaraadka iyo kuwa kale ee hubka siiya RSF waa in la marsiiyaa sharciga,” ayay tiri Ilhan Omar, iyadoo ku celisay in beesha caalamka laga doonayo inay ka jawaabto xasuuqa iyo barakicinta ballaaran ee ka jirta Suudaan.












