Xamze Cabdi Barre Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo Magacaabay Agaasime kuxigeen iyo Maareeye.

0
4
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in magacaabistan la sameeyay ka dib markii la tixgeliyay aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada dheer ee ay masuuliyiintan u leeyihiin shaqooyinka loo igmaday, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu si rasmi ah u magacaabay Cabdinaasir Maxamuud Gurey oo noqonaya Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sidoo kale Cabdalla Xasan Cali  oo isaguna noqonaya Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, oo hoos timaadda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xilalkan cusub ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah horumarinta amniga iyo maamulka garoonka caalamiga ah ee dalka iyo sidoo kale tayaynta howlaha sirdoonka iyo xog-ururinta qaranka ee xarunta Tubsan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyay masuuliyiinta la magacaabay doorkooda cusub, isagoo ka codsaday in ay si daacadnimo iyo karti ku dheehan tahay uga soo baxaan masuuliyadda culus ee loo igmaday, xilli dalku uu wajahayo marxalad adag oo dhinacyada amniga iyo dowlad-dhiska ah.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in lagu xoojiyo hay’adaha muhiimka ah ee dalka, si sare loogu qaado adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.