Xarakada Xamas ayaa sii daysay toddoba maxbuus oo Israa’iili ah, kuwaas oo loo dhiibay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), taasoo ah wejiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee lagu soo afjarayo dagaalka Qasa.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in kumannaan qof oo isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ay sacab iyo farxad isla oogsadeen kadib markii la xaqiijiyey in maxaabiista ay Xamaas siidaysay ay gacanta ku hayaan hay’adaha samafalka.
Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyey sii daynta maxaabiista, iyagoo sheegay in toddobada maxbuus lagu wado daawayn caafimaad oo degdeg ah. Dadka la sii daayay ayaa magacyadooda lagu sheegay Matan Angrest, Gali iyo Ziv Berman, Alon Ohel, Eitan Mor, Omri Miran, iyo Guy Gilboa Dalal.
Qoysaskooda ayaa dib ula midoobi doona ka hor inta aan loo gudbin isbitaallada dalkooda.
Wararka la helayo ayaa sheegay in dadka la sii daayay ay ku sugan yihiin xaalad caafimaad oo wanaagsan isla markaana aanay u baahnayn gargaar caafimaad oo degdeg ah. Dhanka Falastiiniyiinta, kumannaan qof ayaa isugu soo baxay magaalada Khan Younis si ay ugu dabaal degaan sii daynta maxaabiista reer Falastiin ee ku jiray xabsiyada Israa’iil.
Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in Xamas ay sii dayso 20 maxbuus oo Israa’iili ah, halka Israa’iil ay xabsiyada ka sii dayn doonto ku dhawaad 2,000 oo Falastiiniyiin ah, oo intooda badan aan si rasmi ah loo maxkamadeyn. Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ay yihiin dad xukuman, oo ay ku jiraan 250 qof oo xabsi daa’in lagu xukumay.
Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha caanka ah ee Falastiiniyiinta Marwan Barghouti kuma jiro liiska dadka la sii daynayo, sida ay sheegtay dowladda Israa’iil. Qoysaska qaar ee maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa lagu wargeliyey inaysan qaban dabaaldegyo iyo in ayna la hadlin warbaahinta.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa diyaarinaysa inay soo celiso maydadka 28 maxbuus oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen gacanta Xamas. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in sii dayntoodu ay tahay “waqti dareen iyo qaranimo leh,” isaga oo ugu baaqay shacabka Israa’iil inay midnimo muujiyaan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii ka baxay saldhigga milatari ee Andrews, isagoo kusii jeeda Israa’iil. Safarkiisa waxaa ku weheliya Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, Xoghayaha Dagaalka Pete Hegseth, iyo Madaxa CIA John Ratcliffe. Trump ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay “waqti taariikhi ah” oo soo afjari doona dagaalka Qasa.