Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo wasiirka Gaashaandhiga Talyaaniga kala Hadlay Hawlgalka AUSSOM.

0
5

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Guido Crosetto.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Roma ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, amniga badda, la-dagaallanka argagixisada, tayeynta iyo xirfadaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo weliba maalgelinta howlgalka cusub ee AUSSOM.

Labada Wasiir ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhab ah oo ku saleysan dano wadaag ah iyo yididiilo fog oo ku wajahan xasilloonida gobolka.

Waxa ay sidoo kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashaariic wadajir ah oo hoos yimaada Qorshaha Mattei ee Talyaaniga, kaas oo ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Afrika.

Wasiir Axmed Fiqi iyo dhigiisa Talyaaniga ayaa mar kale ku celiyay adkeeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyaga oo xusay in xiriirkan uu saldhig adag u yahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga, iyo xasiloonida gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Booqashada Wasiirka Gaashaandhigga ee Talyaaniga ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa doorka Talyaanigu uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya gaar ahaan dhanka dib-u-dhiska ciidanka iyo la-dagaallanka argagixisada.