Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha oo Shaacisay in la Yareyn Doono Isticmaalka Shidaalka,

0
181

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa ku dhawaaqay qorshe ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso iney kala bar uga dhigto ku-tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno ee korontada laga dhaliyo, taasoo lagu beddelayo tamar laga dhaliyo qoraxda muddo saddex sano gudahood ah.

Wasiir Bidhaan oo ka hadlayay madasha Somali Winners Forum (BGS25) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay horumar la taaban karo oo laga sameeyay qaybta korontada dalka, taasoo uu sheegay inay si weyn uga mahadcelinayaan shirkadaha Soomaaliyeed ee gaar loo leeyahay.

“Waxaa la gaaray horumar weyn oo lagu sameeyay qaybta korontada Soomaaliya, waana dadaal ay hirgaliyeen shirkadaha Soomaaliyeed, Waxaan si weyn uga mahadcelinayaa shirkadahan oo markii dowladda burburtay qaaday masuuliyadda, una istaagay inay iftiin siiyaan bulshadeenna,” ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

“Maalgashigooda, oo gaaraya ku dhowaad hal bilyan oo doolar, ayaa si weyn uga qayb qaatay iftiiminta dalka.” ayuu sii raaciyay warkiisa

Sida ay muujinayaan tirakoobyada rasmiga ah, hadda ku dhowaad 85% korontada laga isticmaalo Soomaaliya waxaa laga dhaliyaa shidaal dibadda laga keeno.

Wasiir Bidhaan wuxuu sheegay in wasaaraddu ay ka shaqaynayso sidii sanadka 2028, ugu yaraan 50% tamarta dalka looga dhigi lahaa mid laga helo qoraxda, si loo gaaro hannaan tamareed oo waara, nadiif ah, oo la awoodi karo.

Isbeddelkan tamarta ee ay dowladda ku dhaqaaqeyso wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu taageerayo koboca dhaqaalaha, ilaalinta deegaanka iyo adkaysiga isbeddelka cimilada.

Qorshahan wuxuu qeyb ka yahay mashruuca Somalia Electricity Sector Recovery Project (SESRP) iyo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee 2025–2029 oo mudnaanta siinaya horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo iyo ballaarinta kaabayaasha korontada dalka.