Wasaaradda Amniga Gudaha oo Amar Cusub ku Soo Rogtay Gaadiidka Ciidamada Qalabka Sida.

0
235

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay weerar galinkii dambe ee Shalay Al-shabaab ku qaaday Godka Jilicow oo ku yaala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid fuleynimo ah oo ay fuliyeen 7 ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab, laguna guuleystay in la khaarajiyo dhamaantood.

“Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha.

Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale amar ku siisay ciidamada amaanka ee jooga baraha hubinta inay baaraan gaadiidka ciidanka dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, islamarkaana ay la socdaan dhaqdhaaqa hubka iyo gaadiidka si loo adkeeyo amniga Magaalada Muqdisho.

“Waxaa si gaar ah loo farayaa hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda, arrintan ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha.

Amarkaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa imaanaya, kadib markii galinkii dambe ee Shalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo watay dharka ciidanka dowladda iyo gaari lagu buufiyay sumadda NISA weerar ku galeen Godka Jilicow oo ah xarunta NISA ee gobolka Banaadir.

“Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go’aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee amarkaan ayaa cusub ayaa noqonaya mid si toos ah u taabanaya hadii uu dhaqangalo ciidamada wata gaadiidka Buufsan, maadaama horay baraha hubinta loogu baari jiray kaliya gaadiidka rayidka ah, kuwaas oo lagu arko isgoysyada Muqdisho iyagoo safaf dhaadheer ugu jira baaris.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda amniga gudaha oo dhameystiran:-