Wakiilka Midowga Afrika ee Koonfurta Suudaan Cabdiweli Gaas oo La Soo Dhaweeyey.

0
170

Maanta oo Isniin ah, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay Dr. Abdiweli Maxamed Cali Gaas, oo loo magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Koonfurta Suudaan.

Dr. Gaas, oo ah siyaasi iyo aqoonyahan Soomaaliyeed, ayaa horey u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxaysay Juun 2011 ilaa Oktoobar 2012, Intii uu xilka hayay, waxa uu door muuqda ka qaatay hannaanka siyaasadeed ee lagu dhammeystirayay xilliga kumeelgaarka ahaa ee dalka, isagoo dejiyay “Khariidadda Jidka ee Dhammaadka Kumeelgaarka”, taasoo sal u noqotay aas-aaska hay’adaha dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Markii uu xilka ka dagay Ra’iisul Wasaarenimada, Dr. Gaas wuxuu muddo kooban ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka ee cusub, ka hor inta aan loo dooranin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, xilkaas oo uu hayay muddo shan sano ah.

Magacaabistiisa ayaa imaneysa xilli Koonfurta Suudaan ay weli la daalaa dhaceyso xaalado siyaasadeed iyo amni, iyadoo Midowga Afrika uu doonayo inuu xoojiyo doorkiisa dhexdhexaadinta, nabad-dhisidda, iyo horumarinta dowladnimada.

Guddoomiye Mahmoud Ali Youssouf ayaa sheegay in magacaabista Dr. Gaas ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada Midowga Afrika ee Koonfurta Suudaan, isagoo muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo kartida iyo khibradda Dr. Gaas ee arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda gobolka.

Dr. Abdiweli Gaas ayaa isaguna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee Koonfurta Suudaan, isla markaana uu Midowga Afrika uga shaqeyn doono nabad iyo xasillooni waarta.

Magacaabistiisa ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, iyadoo la filayo inuu door muhiim ah ka ciyaaro geeddi-socodka nabadeed ee Koonfurta Suudaan.