Wadahadaladii Kismaayo oo Ku Soo Dhamaaday Natiijo La’aan iyo Lama Filaan Dhegaha Shacabku Dhibsadeen.

0
6

Weftiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo dhoofay magaalada Kismaayo, kadib wadahadallo  saacado badan qaatay oo uu la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Madaxweyne Madoobe ayaa si shakhsi ah garoonka uga soo sagootiyay weftiga Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ku dhow labada dhinac, wadahadallada ayaa kusoo dhammaaday iyada oo aan wax natiijo la taaban karo laga gaarin, iyadoo khilaafaadka u dhexeeya ay sidoodii u sii jiraan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya oo laga ilaaliyay in lagu soo hadal qaado Magaca Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in wadahadallada laga sameeyay horumar, iyadoo lagu heshiiyay in wadatashiyada la sii wado, laguna laabto kulammo kale oo lagu sii ambaqaado geeddi-socodka wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Jubbaland iyo shacabka Kismaayo soo dhoweyntii diirranayd iyo martigelinta, isagoo xusay in wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed muhiim u tahay horumarka dalka sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhaggay aragtida ah in doorashadii Kismaayo ka dhacday Noofeembar 2024 ee Axmed Madoobe loogu doortay madaxweynaha Jubaland ay waxba kama jiraan tahay, isla markaan uu ku soo laabto kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka.

Axmed Madoobe ayaa isna ku dhagnaa in doorashadii dhacday Noofeembar 2024 aan wax gorgortan ah laga gali karin, iyo in laga laabto warqaddii waaranka ahayd ee loo jaray isaga si loo soo xiro, qodobadaas badalkoodadana uu dawladda federaalka kala shaqaynayo geedi socodka dawlad dhiska Soomaaliya.

Khilaafka u dhexeeya dowladda Federalka iyo Jubbaland ayaa muddo soo jiitamayay, wuxuuna soo billowday sanadkii hore markii maamulka Jubbaland ay soo saareen liiska xubnaha guddiga doorashada iyadoo dowladda federalkuna doonaysay in la mideeyo doorashooyinka heer federaal iyo maamul goboleed ee dalka oo dhan.

Markaa kaddib qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha guddaha ayey cambaareysay waxay ku sheegtay “tallaabo sharci darro ah” in Madaxweyne Axmed ku magaacabay guddiga doorashada ee Jubbaland.

Doorashada markii ay dhacday oo lagu doortay Madaxweyne Axmed ayey golaha wasiirrada xukuumada Federaalka sheegeen in doorashada ka dhacday Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay tahay mid sharci darro ah, isaga iyo xubnihii doortayba, waxay dowladdu ugu yeertay Axmed Madoobe “hoggaamiye hore”. Dhammaan tallaabooyinkii la xiriiray doorashadaas ayaa xukuumaddu federaalku ku tilmaantay kuwo aan sharciga waafaqsaneyn.

Wadahadallada Kismaayo ayaa loo arkayay fursad muhiim ah oo lagu dhisi lahaa iskaashi iyo kalsooni kadib sanado ay jireen xiisado siyaasadeed iyo khilaafaad soo noqnoqday oo u dhexeeya labada dhinac.