Vizaha Danabeysan oo Maamulka Somaliland Sheegeen in ay Xal u Raadinayaan iyadoo aad looga Cabanayo.

0
6

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland ayaa sheegtay inay ka war-hayso cabashooyinka iyo culaysyada soo kordhay toddobaadyadii u dambeeyay ee ay qabaan dadka u socdaalaya Somaliland kadib markii lagu qasbay in ay qaataan fiisaha danabaysan ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Fuaad Axmed Nuux, ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay hore uga hawlgashay arrintan isla markaana ay xidhii la samaysay dhinacyada khuseeya.

Wasiirka ayaa xusay in howlaha duulimaadyada iyo adeegyada madaaradu ay yihiin kuwo farsamo oo ku dhisan shuruuc iyo hab-raacyo caalami ah, kuwaas oo aan lagu maamuli karin go’aanno siyaasadeed ama talooyin aan rasmi ahayn.

Waxa uu si gaar ha ugu eedeeyay caqabada maanta haysata dadka reer Somaliland ee Hargaysa u safraya xukuumadihii hore ee Somaliland oo uu sheegay in ay gacantooda ku wareejiyeen maamulka hawada Somaliland.

“Waxaan u caddeynaynaa shacabka Somaliland in wasaaraddu si buuxda u gudanayso waajibaadkeeda dastuuriga ah, diyaaradaha soo galayana ama ka baxayana Somalilandna ay si buuxda ugu shaqeynayaan sharciyada iyo nidaamka Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirku.

Sidoo kale, Wasiir Fuaada yaa tilmaamay in cid kasta oo ku hawlan duulimaadyada ay waajib ku tahay inay raacdo xeerarka Somaliland ee socdaalka iyo isticmaalka madaarada, isagoo intaas ku daray in cidii aan oggolaanwayda ayna ka hawlgalin karin hawada Somaliland.

Warsaxaafadeedka ayaa ku soo dhamaaday fariin lagu adkaynayo in Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradu ay sii wadi doonto ilaalinta madaxbannaanida hawada Somaliland iyo amniga duulimaadyada.

Shacabka Somaliland ee u safraya Hargaysa ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay caqabado kala kulmay safaradooda, iyada oo lagu qasbay in ay ku safraan fiisaha danabaysan ee Soomaaliya, kaasi oo anay sidoo kale Hargaysa ku iman karin madaama aan laga aqoonsanayn.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in uu kamid yahay dadka caqabadaha kala kulmay dalku galka Soomaaliya, isaga oo sheegay in lagu joojiyay madaarka Dubai.