Ururada Siyaasadda Puntland oo Ka Horyimid is Afgaradkii iyo Heshiiskii ay Wada Gaareen Maamulada Somaliland iyo Puntland.

0
264

Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo kala ah Ifiye, Mustaqbal, Mideeye iyo Sincad ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku diidan yihiin is-afgarad ay  Puntland la gashay Somaliland.

Xisbiyadani ayaa sheegay in is-afgaradkaasi aanu waafaqsanayn dastuurka Puntland, isla markaana uu baal marsan yahay danaha shacabka reer Puntland, kana hor imanayo midnimada Soomaaliya.

Xisbiyadu waxay hoosta ka xariiqeen in ay lama huraan tahay in saamileyda siyaasadda laga qaybgeliyo arrimaha muhiimka ah ee Puntland, maaddaama sida ay sheegeen ay yihiin matalayaal shacabka.

Waxay uga digeen xukuumadda Puntland in ay gasho is-afgaradyo qarsoodi ah oo aan la marin nidaamka sharciyeed ee maamulka.

Shalay ayay ahayd markii Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay si adag u cambaareeyeen war-murtiyeed kasoo baxay shir ka dhacay Nairobi, kaas oo lagu sheegay inuu dhexmaray Puntland iyo Somaliland.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku sheegay warka kasoo baxay kulanka Puntkand iyo Somaliland in uusan ka tarjumayn maslaxadda shacabka Soomaaliyeed, midnimada dhuleed iyo rabitaanka guud ee ummadda.

Waxay ku eedeeyeen in war-murtiyeedka uu si toos ah ugu adeegayo ajandaha siyaasadeed ee goon isku taagga Somaliland, iyadoo la adeegsaday erayo loo fasiran karo aqoonsi dadban.