Taageerada Dhaqaale ee Soomaaliya in La Kordhiyo oo Mareykanku Dhawaan Soo Jeediyey.

0
289

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya, balse ay ku baaqayso in dalalka kale ee daneeya amniga iyo mustaqbalka Soomaaliya ay kordhiyaan taageeradooda dhaqaale.

Wakiilka Kumeelgaarka ee Maraykanka ee Qaramada Midoobay John Kelley oo ka hadlayay kulan ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeesheen ayaa sheegay in Soomaaliya weli ay ku jirto xaalad dagaal, isagoo xusay in iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika uu muhiim u yahay nabadda iyo xasilloonida qaaradda.

“Maraykanku wuxuu weli u taagan yahay dagaalka argagixisada ee Soomaaliya, balse hadda waa waqtigii dalalka kale ee daneeya amniga iyo mustaqbalka Soomaaliya ay kordhin lahaayeen kaalmooyinkooda dhaqaale,” ayuu yiri John Kelley.

Wuxuu intaas ku daray in wadashaqeynta xooggan ee u dhexeysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay gacan ka geysan karto sidii loo gaari lahaa nabad, amni iyo barwaaqo waarta oo Afrika oo dhan ah.

Maraykanku wuxuu sidoo kale soo dhoweyay dadaallada Midowga Afrika ee lagu xoojinayo la-dagaalanka argagixisada, isagoo ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada ku aaddan nabadda iyo amniga guud ahaan Afrika.

Maraykanka wuxuu sidoo kale ku booriyay in Si degdeg ah loo joojiyo rabshadaha Suudaan, isagoo bogaadiyay dadaallada Wakiilka UN Lamamra ee ku aaddan isku dubaridka jawaabta UN iyo AU iyo IGAD.

Maraykanku wuxuu sheegay in hawlgallada nabadda ee UN, AU, iyo kuwa gobolka ee ka socda meelaha qaar ee Afrika ay muhiim tahay in la mideeyo siyaasadaha, tilmaamaha, iyo habraacyada si loo kordhiyo waxtarka dadaalladaas.