Nin Xaaskiisii Hore Tooreey ku Dilay oo Booliska Gobolka Banaadir Soo Qabteen Xabsigana Dhigeen.

0
8

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo lagu eedeeyay in uu si arxan darro ah xaaskiisa ugu dilay toorey.

Dilkan foosha xun ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada Garasbaaley, waxaana markiiba howlgal degdeg ah bilaabay ciidamada booliska, kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay inay soo qabtaan eedeysanaha.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska, Abshir ayaa haatan ku jira xabsiga saldhigga Garasbaaley, waxaana lagu wargeliyay in dacwadiisa loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.

Booliska ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaannada la xiriira falkaasi, iyagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xakameeyo dambiyada noocan oo kale ah ee kusoo kordhaya magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa cabsi iyo dareen murugo leh ku reebtay bulshada deegaanka, iyagoo dalbanaya in cadaaladda si degdeg ah loo horkeeno eedeysanahaasi.