Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomaaliya, Cilmi Maxamed Nuur, ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo dowladda federaalku ku dhisayso 2,000 oo guri oo loogu talagalay dadka gudaha dalka ku barakacay (IDPs).
Wasiirka oo ka hadlayey Shirka Bangiyada iyo Maaliyadda ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu yareeyo duruufaha adag ee ay la daalaa dhacayaan dadka barakacayaasha ah.
“Laba kun oo guri ayaa loo dhisi doonaa dadkeenna barakacayaasha ah,” ayuu yiri Wasiirka, isaga oo xusay in guryahaasi si gaar ah loogu talagalayo baahiyaha gaarka ah ee IDPs-ka, isla markaana la raacayo nidaam qiime jaban si ay ugu fududaato heliddooda.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ilaha maalgelinta mashruuca, waqtiga la fulinayo, iyo qodobada kale ee la xiriira dhaqaalaha.
Sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) bishii Janaayo 2025, waxaa gudaha Soomaaliya ku barakacay in ka badan 4.1 milyan oo qof, taasoo ka dhigan ku dhowaad 21% tirada guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Mashruuca lagu dhawaaqay ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah, hase yeeshee waxaa weli taagan su’aalo badan oo la xiriira hirgelintiisa dhabta ah.